HomeWararDhageyso:-Gudoomiyaha degmada Boondheere oo sheegtay in laga hor istaagay howllo burburin ah...

Dhageyso:-Gudoomiyaha degmada Boondheere oo sheegtay in laga hor istaagay howllo burburin ah oo ay ka waday degmadaas

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Gudoomiyaha degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin ka bixisay halkii uu ku dambeeyay howlihii burburinta ahaa oo uu  dhawaanahan maamulku ka waday qeybo ka mid ah degmadaas, kaas oo lagu burburiyay Goobo farabadan Seynab Yuusuf oo Wareysi gaar ah Xafiiskeeda ku siiyay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegtay in markii ay bilaabeen talaabada […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin ka bixisay halkii uu ku dambeeyay howlihii burburinta ahaa oo uu  dhawaanahan maamulku ka waday qeybo ka mid ah degmadaas, kaas oo lagu burburiyay Goobo farabadan

Seynab Yuusuf oo Wareysi gaar ah Xafiiskeeda ku siiyay Radio Dalsan ayaa waxa ay sheegtay in markii ay bilaabeen talaabada burburinta ay caqabad ka horkeeneen dad ay sheegtay in dano gaar ah leeyihiin kuwaas oo ka horyid Shaqada uu Maamulka qabanayay taas oo keentay in ay joojiyaan.

- Advertisement -

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan dad Goobo Ganacsi ku lahaa degmada kuwaas oo sheegay in ay Goobahaas ay ku raadsadaan waxyaabihii ay ku noolaan lahaayeen, kadibna ay sidaasi uga aqbaleen.

Waxa kaloo ay hadalkeeda intaas ku dartay in hadda ka maamul ahaan ay qaateen Go’aan kaas oo ah in aan dheg jalaq loo siin dadka danaha gaarka leh dhawaana ay bilaabi doonaan burburinta Goobo kale oo lagu iibiyo waxyaabo muqaadaradka ah kuwaas oo amiga wax u dhimi kara sida ay hadalka u dhigtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories