HomeCaalamkaMukhalas Soomaali ah oo dadka u tahriibin jirey UK oo lagu xukumay...

Mukhalas Soomaali ah oo dadka u tahriibin jirey UK oo lagu xukumay Xabsi

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Maxkamadda York Crown Court ee dalka Britain ayaa la soo tagaay Muwaadin Somali haysta Dhalashadda dalka Holland oo lagu magacaabo Abubakar Omar oo 27-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu ku lug yahay Hawlaha Tahriibka ee Dadka sida sharci-darada ah lagu soo geliyo dalka Britain.

Sida aan ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Yorkshire evening post.co.uk waxaa Eedeysanaha lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Bradford ee magaalladda Leeds bishii October 30-dii ee sannadkii 2014-kii.

- Advertisement -

Saraakiisha Garoonka ayaa qabtay, xilli uu doonayey inuu si sharci-darro ah ku soo galo dalka Britain, isagoo la socday Duullimaad ka yimid magaalladda Pisa ee dalka Talyaaniga.

Abubakar Omar ayaa lala qabtay haweeney lagu magacaabo Ilhaam Xuseen Ibraahim oo 22-jir ah, taasi oo ku tahriibinayey Baasaboor British ah oo aysan lahayn.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen ayey ku heleen Eedeysanaha inuu ku lug lhaa 3 Isku-day oo uu doonayey inuu dad Somali ah si sharci-darro ah ku soo geliyo  dalka Britan.

- Advertisement -

Mukhalaska waxaa lagu xukumay 6-sanno, halka Ilhaam Xuseen Ibraahim iyadana lagu xukumay 18-bilood.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay horey xukun ugu riday Abdirizak Amin Hasasn oo 35-jir ah, kadib, markii ay Boliska ogaadeeninuu dhowr jeer Telefonkiisa kala xiriiray Mukhalaska Abubakar Omar.

Abdirizak oo haysta dhalashadda UK, waxa uu u ololeynayey sidii ay xaaskiisa Ilhaam Xuseen Ibraahim ku soo geli lahayd dalka Britain.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories