HomeCaalamkaTalyaaniga oo xiray Khadadkii ay soo mari jireen Tahriibayaasha ka soo socdaala...

Talyaaniga oo xiray Khadadkii ay soo mari jireen Tahriibayaasha ka soo socdaala Libya

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Marco Minniti waxa uu la kulmay Madaxda Magaallooyinka dalka Libya, oo ay isla eegeen Taabagelinta Heshiis ay labada dal kala saxiixdeen  bilowgii sannadkan.

Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Libya, Danjiraha Talyaaniga u joogo Libya iyo Wakiilo ka socday Midowga Europe  ayaa la iskula eegay sidii wax looga qaban lahaa Kooxaha dadka tahriibiya iyo Ganacsiga Kontorobaanka ee ka jira magaallooyinka dalka Libya ee sida culus u dhibaateeyey Tahriibinta sharci-darada.

- Advertisement -

War-murtiyeed ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga ka soo saartay Kulankaasi ayaa lagu sheegay inay Dhallinyarada ku nool Libya loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan Mustaqbal Rajo leh iyo inay ka xoroobaan cabsida Ururadda Dembiilayaasha ka qowleysta dalkaasi.

Bishii February ee la soo dhaafay, Dowladda Talyaaniga waxay balan qaaday inay Lacag, Tababar iyo Qalab ku taageeri doonaan Dowladda Libya ee ay QM taageerto, sidii loo joojin lahaa Qulqulka Muhaajiriinta ku wajahan Qaaradda Europe.

In ka badan 900,000 oo Tahriibayaal ah ayaa dhinaca Badda ku galay dalka Talyaaniga tan iyo sannadkii 2014-kii, kuwaasi oo badankooda ka soo ambabaxay Xeebaha Libya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories