HomeCaalamkaDad Rayid ah oo ay Maleeshiyadda Boko Haram ku dileen dalka Kaamiruun

Dad Rayid ah oo ay Maleeshiyadda Boko Haram ku dileen dalka Kaamiruun

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Boko Haram ayaa lagu soo waramay inay ugu yaraan 11-qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Tuullo ku taalla Waqooyiga dalka Kaamiruun, una dhow xuduudka dalka Nigeria. Boliska dalka Kaamiruun ayaa sheegay inay Maleeshiyadda weerareen Tuulladda Gakara ee duleedka DegmaddaKololata, halkaasi oo ay ku dileen ugu […]

- Advertisement -

Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Boko Haram ayaa lagu soo waramay inay ugu yaraan 11-qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Tuullo ku taalla Waqooyiga dalka Kaamiruun, una dhow xuduudka dalka Nigeria.

Boliska dalka Kaamiruun ayaa sheegay inay Maleeshiyadda weerareen Tuulladda Gakara ee duleedka DegmaddaKololata, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 11-qof, kuna dhaawaceen 8-kale.

- Advertisement -

Maleeshiyadda waxay kaloo dab qabadsiiyeen ugu yaraan 30 guri oo ku yaallay Tuulladaasi.

Dad badan ayaa u qaxay Xero ku taalla meel ku dhow Tuulladda Kololata, halkaasi oo hoy u ah Kumanaan qof oo ku soo barakacay dagaalka Boko Haram.

Duqa Degmadda Kololata ayaa xaqiijiyey weerarkaasi, balse, waxa uu tilmaamay inuusan ogayn tirada rasmiga ee lagu dilay weerarkaasi.

- Advertisement -

Khamiistii la soo dhaafay, 5 qof ayaa lagu dilay weerar ay Kooxda Boko Haram ku qaadeen Kolonyo gaadiid Milliteri oo maraysay Tuulladda Meleri ee Gobalka Borno ee dalka Nigeria.

Sidoo kale, Toddobaadkii la soo dhaafay, 3 haween ayaa isku qarxiyey meel ku dhow Barakacayaal oo ku taalla Tuulladda Mandarari ee dalka Nigeria, halkaasi oo ay 28 qof ku geeriyootay, halka 82 kalena ku dhaawacmeen.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories