HomeCaalamkaBooliiska Spain oo toogtay Shan qof oo looga shakiyay Argagaxisanimo

Booliiska Spain oo toogtay Shan qof oo looga shakiyay Argagaxisanimo

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Howlgal ballaaran oo uu booliska ka sameeyay waddanka Spain ayaa waxaa lagu soo gebagabeeyay israsaasayn ka dhacday degmada loo tamashlaha tago ee Cambrils, ee koonfurta magaalada Barcelona.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shan qof oo looga shakisan yahay inay argagixiso yihiin oo xirnaa wax u muuqday suumanka la isku miidaamiyo la dilay.

- Advertisement -

Dowladda gobolka Catalonia ayaa sheegtay in booliska Cambrils uu rasaas furay kaddib markii ay arkeen dadka weerrarka soo qaaday oo gaari jiirsiinaya dad marayay wadada hareeraheeda.

Todoba qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.
Dhacdada ayaa lala xiriiriyay weerrar ay dad badan ku dhinteen oo goor sii horraysay ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu qof gaari uu watay uu jiirsiiyay dad fara badan oo ku sugnaa wadada Las Ramblas ee magaaladaasi.

Saddex iyo toban qof ayaa halkaasi ku dhintay halka in ka badan 100 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaariga dadka jiiray.

Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaariga.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaariga soo kiraystay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories