HomeWararSawirro:-R/Wasaare Khayre "Soo Celinta Hawada dalkeena waa Guul u soo hoyatay dowladda"

Sawirro:-R/Wasaare Khayre “Soo Celinta Hawada dalkeena waa Guul u soo hoyatay dowladda”

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka. Wasiirka Gaadiidka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ku dheeraday qorshayaasha ballaaran ee horyaal wasaaradda iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo maamullada dalka. Wuxuna sidoo kale tilmaamay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay xukuumaddu ku guuleystay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hawada dalka oo muddo badan ay maamulayeen shariikado shisheeye. Isla markaana dib loo howgeliyey shaqadii garoonka Muqdisho xiliyada habeenkii ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, sanado badan ka dib inay helaan dadka Soomaaliyeed habeen iyo maalin fursad ay dalkooda uga dhoofi karaan una imaan karaan, maadaama ay sii kordhayaan baahida ay dadku u qabaan adeegyo habeen iyo maalin shaqeynaya, lana dhameystiri doono wax yaabaha ka dhiman.

Mudane Khayre ayaa sheegay in soo celinta maamulka hawadeena ay noqoneyso guul weyn iyo tallaabo horey loogu qaadey midnimada dalka iyo madaxbanaanida, balse ay weli baylah tahay baddii Soomaaliya oo ay waardiye ka haystaan Maraakiib shisheeye iyo kaluumeysiga sharci darrada ku haya Soomaaliya, loona baahan in la sameeyo nidaam iyo shuruuc lagu ilaaliyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri; “Hawada dalkeena in ay maamulaan dhalinyaro Soomaaliyeed waa astaan kamid ah soo celinta Qaranimada ummada, haddii aad tihiin Wasiiradii dawladda dhexe iyo kuwa maamullada dhamaantiin waxaad matashaan shacabka Soomaaliyeed”.

- Advertisement -

“Tallaabo walba oo aad qaadaan waa in ay noqotaa mid ay dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Waa inaan hankeena kor u qaadnaa oo la tartanaa wadamada kale ee caalamka, sidii hore waan ku daalnay, waa in markaad joogtid gobolkaaga aad ogaatid waxa kaliya ee horumar lagu gaari karo in ay tahay kuligeen inaan oognaa Soomaalinimada”ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo dhawaan ku soo wareegay gacanta dawladda. waxaa ilaa iyo dawlad bur-burkii laga maamulayay magaaladda Niarobi ee caasimadda kenya, waxaana gacanta ku haysay hay’adda Caalamiga ee hawada sare u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO, oo xarunteedu tahay magaaladda Montreal ee dalka Canada.

DHAMMAAD

Sawirro

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories