HomeWararDowladda Soomaaliya oo shaacisay in dilkii Cali Jabal,ay wiiqeyso Awooda Al-Shabaab (War-Saxaafadeed)

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dilkii Cali Jabal,ay wiiqeyso Awooda Al-Shabaab (War-Saxaafadeed)

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dilkii Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo lagu dilly weerarkii 30k a July 2017 inay wiiqeyso falalka argagaxisada ay shacabka ku ugaarsanayaan.

Cali Jabal waxuu ka mid ahaa hojoogayaasha kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxuuna mas’uul uga ahaa caasimada Muqdisho oo uu ka danbeeyey falalkii argagaxisadu ku beegsanayeen shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey ku faraxsantahay in weerarkii lagu beegsanayey Cali Jabal ee agagaarka Toorotoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose uu guul ku dhammaaday oo lagu dilay. Dowladu waxey u mahadcelineysaa wadashaqeynta dhow ee dalalka saaxiibada oo ka wada shaqeeya sidii kooxaha argagaxisada ah looga sifeyn lahaa dalka oo dhan.

Sababta ay Dowladu u xoojineyso dagaalka lagula jira kooxaha argagaxisada ayaa ah sidii loo wiiqi lahaa inay shacabka u soo maleegaan walxaha qarxa oo loo diido waqti ay ku nastaan. Weerarada noocan ah waa kuwo sii soconaya, waxaana u habboon in kooxahaas ay is soo dhiibaan oo ay nabada qaataan. Dilka Cali Jabal ayaa ku yimid wadashaqeyn iyo bartilmaameysi mudo lagu ugaarsanayey oo tuseysa kuwa isaga oo kale ah inaysan marnaba fakaneynin oo dariiqa kaliya ee u furan uu yahay inay Dowlada isu soo dhiibaan oo ay ka faa’iideystaan cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii loo badbaadin lahaa shacabka isla markaasna loo sugi lahaa amniga iyo nabadeynta, si shacabka ay u helaan neecow nabdeed oo ay uga qeybqaadan karaan horumarka dalkooda iyagoon ka walwaleynin qaraxyada kooxaha argagaxisada ah.

- Advertisement -

 

DHAMAAD

 

Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Soomaaliya

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories