HomeWararSawirro:-Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed

Sawirro:-Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi. Waxaa shikaasi diyaaradeed ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu magacabo Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid […]

- Advertisement -

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.

Waxaa shikaasi diyaaradeed ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu magacabo Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid ahaa ciidamada Cirka Jamhuuriyadda Jabuuti.

- Advertisement -

Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.

“Anigoo ku hadlaya magaca madaxwweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka  Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi difaacaan” Ayuu yiri wasiirka gaashaandhiha Jabuuti.

Co.l Ibraahim C/llaahi Geele ayaa muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi jabuuti islamarkaana soo qabtay shaqooyin aad u farabadan wuxuuna ahaa qabiir military gaar ahaan ciidamada cirka , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalkaasi.

- Advertisement -

Xigasho Sonna

Sawirro

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories