HomeWararSawirro:-Madaxweyne Siilaanyo oo Maalma kadib ku soo laabtay Hargeysa

Sawirro:-Madaxweyne Siilaanyo oo Maalma kadib ku soo laabtay Hargeysa

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa saaka dib ugu  laabtay Hargeysa iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa. Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka diyaaraha ee Egal Internationla Airport ka soo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa saaka dib ugu  laabtay Hargeysa iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka diyaaraha ee Egal Internationla Airport ka soo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

- Advertisement -

Waxaana madaxweynaha garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),wasiiro, madaxda dhaqanka, xildhibaano, haween iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Sidoo kale markii madaxweynuhu ka soo baxay madaarka waxa barxada hore ee garoonka ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo ay hormuud u ahaayeen maayarka caasimada, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo masuuliyiin kale, dadkaasi oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey caleemo qoyan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heesaha madaxweynaha qaranka loo qaaday intii uu talada dalka hayey, iyadoo ay dadkaasi qaar badan oo ka mid ahi ay eryo iyo weedho kala duwan ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweyne ku sii sugnaa xarunta qasriga.

- Advertisement -

Soo dhawaynta ka dibna waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada oo ka warbixyey ujeedada safarka madaxweynaha una mahadnaqay dadweynihii sida qiimaha leh u soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka.

Sawirro

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories