HomeWararSawirro:-Golaha Wasiirada oo ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada

Sawirro:-Golaha Wasiirada oo ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed. Wasiir Eng. Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015. Wasiir Eng. Yarisow ayaa […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015.

- Advertisement -

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.

Xeerkan Saxaafada oo ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

- Advertisement -

DHAMAAD

Sawirro

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories