HomeWararGolaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Xaquuqda uu yeelanayo Xasan Sheekh Maxamuud

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Xaquuqda uu yeelanayo Xasan Sheekh Maxamuud

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland waxaa Maanta markii ugu horeysay  ka furmay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wsiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaana Shir gudoomiyey ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyay Sharciyo ay ka mid yihiin Xeerka Saxaafada oo isbedel lagu sameeyay  sharciga Waxbarashada oo uu […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland waxaa Maanta markii ugu horeysay  ka furmay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wsiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaana Shir gudoomiyey ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyay Sharciyo ay ka mid yihiin Xeerka Saxaafada oo isbedel lagu sameeyay  sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya .

- Advertisement -

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo. Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.

Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.

- Advertisement -

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii dowladda Federaalka Soomaliya ee kan ka horeeyay ayaa  ah Xildhibaan Sharafeed kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya maadaama dstuurka uu qabo in Qofkii Madaxweyne horay uga soo noqda dowladda Federaalka uu waligiis ahaanayo Xildhibaan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories