HomeWararMilkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida ku nool Magaalada Minneapolis

Milkiilaha Facebook oo la Kulmay Soomaalida ku nool Magaalada Minneapolis

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook. Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg ayaa xalay casho afur ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida halkaas ku nool, sida uu ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Zuckerberg, ayaa u mahad-celiyey Soomaalidii afurka ku casuumtay, wuxuuna sheegay inuu aad ula dhacay kartida iyo dhiiranaanta ay ku doonayaan in meel aysan aqoon ay dalkooda cusub uga dhigtaan.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in qofka qaxootiga ah uusan lahayn ikhtiyaar uu ku doorto dalka uu ku noolaanayo.

Waxa uu sheegau inuu nin ka mid ah Soomaalida oo 26 sano ku nool xero qaxooti weydiiyey, in hadda uu dareemayo in Mareykanka uu yahay dalkiisa iyo in kale, kadibna uu ugu jawaabay “Dalkaaga waa kan aad ku dareento xorriyad aad ku sameyn karto wixii aad doonto. Haa, kani waxaan u dareemayaa dalkeyga”.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in hadallada noocaas oo kale ah ay yihiin kuwo sharaf u ah Mareykanka oo ah dal qiimeeyaa xorriyadda qofka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories