HomeWararMadaxweynaha oo damaanad qaaday Nolosha Carruurta Agoonta ee Afgooye

Madaxweynaha oo damaanad qaaday Nolosha Carruurta Agoonta ee Afgooye

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka faalad qaaday xanaaneynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.  Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweeneyda maamusha xarunta agoonta ee Afgooye, ayaa sheegtay in bur burkii kadib […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka faalad qaaday xanaaneynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweeneyda maamusha xarunta agoonta ee Afgooye, ayaa sheegtay in bur burkii kadib lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo xarunta Agoonta ee Afgooye.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.

- Advertisement -

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri Cabdinuur.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Soomaaliya Xuseen Xasan Cismaan ayaa amaanay dhaqanka wanaagsan ee uu Madaxweynuhu sameeyay, maadaama uu damaanad qaaday nolosha agoonta degmada Afgooye.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories