HomeWararMasuuliyiin ka kala socota Puntland iyo Galmudug oo Maanta kulmaya

Masuuliyiin ka kala socota Puntland iyo Galmudug oo Maanta kulmaya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Maanta ayaa la filayaa in garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ku wada kulmaan Masuuliyiin ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Puntland. Masuuliyiinta labada Maamul ayaa waxaa kulankooda ku wehlin doona Odayaasha Dhaqanka ee labada Maamul ka soo kala jeeda waxana kulankooda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada ayna […]

- Advertisement -

Maanta ayaa la filayaa in garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ku wada kulmaan Masuuliyiin ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Masuuliyiinta labada Maamul ayaa waxaa kulankooda ku wehlin doona Odayaasha Dhaqanka ee labada Maamul ka soo kala jeeda waxana kulankooda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada ayna ku wada noolaadaan labada Shacab ee Puntland ee Galmudug.

- Advertisement -

Kulankaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay mudo ka dib yeeshaan masuuliyiin ka kala tirsan galmudug iyo puntland oo mudo khilaaf ka dhexeeyay balse haatan isku soo dhawaanaya.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) ayaa horay u sheegay in ay ka Go’an tahay Nabad ku soo dabaalida Gobolka Mudug halkaas oo ay ku so laab laabteen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories