HomeWararSawiro:Dowladda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Jamaacadda Carabta

Sawiro:Dowladda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Jamaacadda Carabta

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya. Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan […]

- Advertisement -

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan Al jowhari Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la taaban karo inuu ka gaaro howlaha loo igmaday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradahooda caasimadda Muqdisho.

- Advertisement -

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta February 14, 1974 kadib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qaatay.

Sawiro

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories