HomeWararDhageyso:-Taliska Taraafikada G/Banaadir oo ku guulestay amar uu soo saaray

Dhageyso:-Taliska Taraafikada G/Banaadir oo ku guulestay amar uu soo saaray

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada,Cali bare Xersi Cali Gaab,ayaa ka hadlay talaabadii ay u qaadeen Go’aankii ay horay u soo saareen oo ahaa in Wadada Maka Al-Mukarama Hareeraheeda aan la dhigan karin Gawaarida Yar yar oo nooca raaxada ah. Taliyaha ayaa sheegay in ay mudo Todobaad ah sameeyen howlgal lagula dagaalamayay arintaas […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada,Cali bare Xersi Cali Gaab,ayaa ka hadlay talaabadii ay u qaadeen Go’aankii ay horay u soo saareen oo ahaa in Wadada Maka Al-Mukarama Hareeraheeda aan la dhigan karin Gawaarida Yar yar oo nooca raaxada ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ay mudo Todobaad ah sameeyen howlgal lagula dagaalamayay arintaas islamarkaana inta badan ay u hirgaleen amaradii ay soo saareen ee ahaa in Wadada Hareeraheeda aan la dhigan karin Gaadiidka yar yar sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in marnaba uu aqbali doonin in ilaa Sadax Baabuur la dhigto Wadada islamarkaana laga xiro Bulshada kale ee isticmaaleysa cidii ku dhaqaaqdana ay talaabo ka qaadi doonaan.

Sikastaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u amray in aan Wadada Maka Al-Mukarama aan la dhigan karin wax Gaadiid ah iyo in Gawaarida Amisom aysan mari karin Wadada Maka AlMukarama taas oo aan weli dhaqangelin waxana xusid mudan in shalay mid kamid ah Gaadiidka Amisom uu dab ka kacay xili uu marayay agagaarka KM,4 ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cali Gaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories