HomeWararDhageyso:-Qodobadii ay Madaxda Puntland kala hadleen Wafdi Maanta gaaray M/Garoowe

Dhageyso:-Qodobadii ay Madaxda Puntland kala hadleen Wafdi Maanta gaaray M/Garoowe

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha. Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhalinyaradii aan qaan gaarka ahayn ee lagu qabtay dagaalka Puntland Alshabaab kula gashay […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku-simaha madaxweynaha Maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa aqalka madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay caddaalad u heli lahaayeen dhalinyaradii aan qaan gaarka ahayn ee lagu qabtay dagaalka Puntland Alshabaab kula gashay deegaanada Togga Suuj iyo Garacad.

- Advertisement -

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa faah faahiyay qodobadii ay isla garteen iyaga iyo Wafdiga waxa uuna sheegay in puntland ay dhaqancelin u sameeysay dhalinyaradii ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay qeybo kamid ah Gobolada Mudug  iyo Nugaal

Puntland ayaa horay xukun ugu riday rag ay sheegtay in ay ka tirsanaayen Al-Shabaab kuna qabteen dagaaladaas,waxana arintaasi walaac ka muujiyay  Midowga Yurub iyo Hay’addaha udooda Xauuqul insaanka.

Hoos Ka Dhageyso Codka

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories