HomeWararMaxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta fulisay Xukun dil ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta fulisay Xukun dil ah

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya ayaa Maanta Magaalada muqdisho waxa ay ka fulisay xukun dil toogasho ah kaas oo ay ku fulisay nin ay ku eedeeysay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa-Beerta ee degmda Waaberi. Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaaraha Xarunta Tababarka Ciidamada Booliska ee Gen Kaahiye waxaan lagu fuliyay Nin […]

- Advertisement -

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya ayaa Maanta Magaalada muqdisho waxa ay ka fulisay xukun dil toogasho ah kaas oo ay ku fulisay nin ay ku eedeeysay in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa-Beerta ee degmda Waaberi.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay fagaaraha Xarunta Tababarka Ciidamada Booliska ee Gen Kaahiye waxaan lagu fuliyay Nin magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdi Xasan oo lagu eedeeyay in uu ahaa Darawalkii waday Gaarigii ku qarxay Suuqa-Beerta ee degmada Waaberi Sanadkii la soo dhaafay ee 2016,ka kaas oo ay dad badani ku dhamaadeen.

- Advertisement -

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dhamaan Saraakiisha Sar sare ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somaaliya.

Goordhow la socda faah faahinta Warkaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories