HomeWararSomali lagu tuhunsan yahay inay dhac hubeysan ka geystaan dalka Koonfurta Afrika...

Somali lagu tuhunsan yahay inay dhac hubeysan ka geystaan dalka Koonfurta Afrika oo la xiray.

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka naga so ogaarayo magaalladda Johannesburg ee dalkaasi waxay sheegayaan inay Boliska dalkaasi, gaar ahaan Ciiddanka ka fal-celiya Dhaca Hubeysan inay Habeen hore ku soo qabteen 3 Somali ah iyo Nin u dhashay dalka Malawi, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen Burcadda geysta dhaca hubeysan. Afhayeenka Boliska Degmadda Gauteng, Kolonel Lungelo Dlamini ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Wararka naga so ogaarayo magaalladda Johannesburg ee dalkaasi waxay sheegayaan inay Boliska dalkaasi, gaar ahaan Ciiddanka ka fal-celiya Dhaca Hubeysan inay Habeen hore ku soo qabteen 3 Somali ah iyo Nin u dhashay dalka Malawi, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen Burcadda geysta dhaca hubeysan.

Afhayeenka Boliska Degmadda Gauteng, Kolonel Lungelo Dlamini ayaa sheegay in Eedeysanayaashaasi lagu soo qabtay dhowr hawlgal oo ka kala dhacay Degmooyinka Diepsloot iyo Cosmo, wuxuuna xusay inay haystaan qori aan fasax loo haysanin.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Dhismayaasha ay degganaayeen Eedeysanayaasha laga soo helay Badeecado la rumeysan yahay in lagu soo dhacay dhowr hawlgal Burcadnimo Hubeysan.

Afhayeenka  waxa kale oo uu tilmaamay in 3-da Soomaalida wax laga weydiinayo sida ay ku heleen Qorigii lagu qabtay, kaasi oo a tuhunsan yahay in laga dhacay Sarkaal Bolis oo ku sugnaa Degmadda Olievenhoutbosc sannadkii 2012-kii.

Waxa kale oo uu sheegay in xarigooda horseedi doono in la soo xiro Eedeysanayaal kale oo ku lug leh Dhaca Hubeysan.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories