HomeWararDonald Trump oo ballan qaaday inuu dib u eegayo Nabad-raadinta Falastiin iyo...

Donald Trump oo ballan qaaday inuu dib u eegayo Nabad-raadinta Falastiin iyo Yuhuudda.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Aqalka Cad kula kulmay Hoggaamiyaha Reer Falastiin, Maxamuud Cabaas oo haatan booqanaya dalka Maraykanka. Donald Trump wax faahfaahin ah kama bixinin Qorshaha lagu xalin doono Xiisadaasi oo muddo dheer soo taagnayd, balse waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay inay Falqastiin iyo Yuhuudda danaynayaan inay heshiis […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Aqalka Cad kula kulmay Hoggaamiyaha Reer Falastiin, Maxamuud Cabaas oo haatan booqanaya dalka Maraykanka.

Donald Trump wax faahfaahin ah kama bixinin Qorshaha lagu xalin doono Xiisadaasi oo muddo dheer soo taagnayd, balse waxa uu tilmaamay inuu rumeysan yahay inay Falqastiin iyo Yuhuudda danaynayaan inay heshiis gaaraan.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Maamulka Falastiin ayaa isagana codsaday Dal Madax-bannaan oo ay Reer Falastiin yeeshaan, Caasimadeeduna tahay Bariga magaalladda Quddus, iyadoo lagu salaynayo xuduudkii 1967-kii

Maxamuud Cabaas oo 12 sanno Madaxweyne ka ah Falastiin ayaa sheegay inay yihiin dadka keliya ee Caalamka ee weli la haysto, wuxuuna xusay inay doonayaan Xorriyadooda, xushmadooda  iyo Xuquuqda Aaya-ka-talintooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inuu bishan May 22-da ilaa 23-da booqasho ku tago Yuhuudda, si uu ula kulmo Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu, waxaana suurto-gal inuu booqdo Daanta Galbeed ee Dhulka Reer Falastiin.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories