HomeWararRa’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu ururinayey Abaaraha...

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu ururinayey Abaaraha ka jira dalka.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shalay  ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee ku dhufteen abaaraha, waxana intii uu socday kulanku Xukuumaddu soo bandhigtay dhaqaale ay ugu talagashay abaarta ka jira Soomaaliya. Kulankan taakuleynta ah ee dhaqaalaha loogu aruurinayey dadka abaaruhu saameyeen ee ku nool […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu shalay  ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee ku dhufteen abaaraha, waxana intii uu socday kulanku Xukuumaddu soo bandhigtay dhaqaale ay ugu talagashay abaarta ka jira Soomaaliya.

Kulankan taakuleynta ah ee dhaqaalaha loogu aruurinayey dadka abaaruhu saameyeen ee ku nool gobollada Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kheyre in guddida gurmadka abaaraha ay ku wareejinayaan lacag dhan ($803,279) oo dollar oo Xukuumaddiisu ugu tala gashay dadka abaaruhu ay wax yeeleeyen.

- Advertisement -

R/wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadka dibadaha jira in jeejabab-kooda ay furaan isla markaana aan loo kala harin ugar-gaaridda walaalahooda tabaaleysan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in Dawladdu marnaba aysan ka seexan doonin shacabkeeda dhibaataysan ee gacan qabashada u baahan, maanta wixii aan ku bixino abaarta kuna badbaadina nolosha dad badan oo walaalaheen ah waxay noqon doontaa taariikh, isku soo dhawaansho iyo in bulshadeenu nagu kalsoonaato”ayuu yiri R/Wasaare Kheyre oo intaasi raaciyey in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga Gurmad Abaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin guud ka bixiyay dhibaatada ka jirta deegannada ay sida aad ka ah u saameyeen Abararaha jira, isagoo baaq u direy guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta u gurmashada dadka la tacaalaya abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay oo kamid yihiin Daacuun iyo Shuban Biyoodka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray goobo kamid ah kuwa ay ku nastaan shacabka, isagoo la shaaheeyey isla markaana kala sheekeystay xaaladahooda, si ay dawladdu shacabka tallooyinkoodu ugu shaqayso.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories