HomeWararXOG: Taliyayaasha Ciiddanka Goodir iyo RRT oo dib u helay Xorriyadooda.

XOG: Taliyayaasha Ciiddanka Goodir iyo RRT oo dib u helay Xorriyadooda.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

24-saac kadib, waxaa Duhurnimadii maanta dib xorriyadooda u helay 2 Taliye oo midkooda Xabsiga Dhexe ee Xamar la dhigay, halka midka kalena lagu soo rogay Xabsi-guri. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in si wadajir ah loo sii daayey Taliyaha Ciiddanka Tababaran ee Goodir, G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Ciiddanka […]

- Advertisement -

24-saac kadib, waxaa Duhurnimadii maanta dib xorriyadooda u helay 2 Taliye oo midkooda Xabsiga Dhexe ee Xamar la dhigay, halka midka kalena lagu soo rogay Xabsi-guri.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in si wadajir ah loo sii daayey Taliyaha Ciiddanka Tababaran ee Goodir, G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Ciiddanka sida degdegga uga jawaaba Xaalladaha Degdegga ee RRT (Rapid Response Team), Captain C/fataax Aadan Biid.

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Tababaran ee Goodir, G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim waxa uu isagu muddo 24-sacadood ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo aysan jirin Maxkamad la soo taagay oo xukun ku riday.

Sidoo kale, Taliyaha Ciiddanka sida degdegga uga jawaaba Xaalladaha Degdegga ee RRT (Rapid Response Team), Captain C/fataax Aadan Biid ayaa la sheegay in muddo 24-saacadood lagu hayey  xabsi-guri, sida ay Radio Dalsan u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo muhiim ah.

Ma cadda sababaha rasmiga ee loo xiray, inkastoo wararka qaarkooda sheegayaan inay ku kaceen Amar-diido.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxda Hay’addaha Ammaanka Eee Xukuumadda Federalka  kama hadlin xarigooda, mana jirto xog ku aadan cidda ka dambeeysay xarigooda ama sii-dayntooda.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories