HomeWararIsbahaysiga Kenya ee NASA oo sheegay haddii ay ku guuleystaan Madaxtinimadda Kenya...

Isbahaysiga Kenya ee NASA oo sheegay haddii ay ku guuleystaan Madaxtinimadda Kenya in Ciiddankooda laga saari doona Somalia

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Hoggaamiyaha Isbhaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA), Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay Ciiddankooda sida ugu dhaqsaha badan uga soo saari doonaan Somalia, haddii uu Isbahaysigooda ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee bisha August ka dhici doonta dalkaasi. Isagoo ka hadlayey magaalladda Xeebta ee Laamu, waxa uu ka shanqariyey in Go’ankii uu Madaxweynihii hore ee […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Isbhaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA), Kalonza Musyoka ayaa sheegay inay Ciiddankooda sida ugu dhaqsaha badan uga soo saari doonaan Somalia, haddii uu Isbahaysigooda ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee bisha August ka dhici doonta dalkaasi.

Isagoo ka hadlayey magaalladda Xeebta ee Laamu, waxa uu ka shanqariyey in Go’ankii uu Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki uu snnadkii 2012-kii Ciiddanka ugu diray gudaha Somalia ahaa mid KMG ah, oo hadafka guud ee lga lahaa aha soo-celinta Nabadda Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay caqli-darro tahay inay Ciiddaankaasi sii joogaan gudaha Somalia, wuxuuna xusay inay Joogitaankooda u abuureen Kenya Dhibaatooyin aan lama huraan ahayn.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Sare ee Kenya (National Super Alliance (NASA) waxa uu is-weydiiyey waxa lag macaashay Ciiddanka Kenya ee k hawlgala Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Askar badan ku waayeen Noloshooda, halka kuwo kalena la la’ yahay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kalonza Musyoka waxa uu Eedeyn u jeediyey Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto, wuxuuna xusay inay ka mas’uul yihiin Nabadgelyo la’aanta iyo Musuqa hareeyey Kenya.

Waxa uu xusay inay Dowladda Jubilee doonayso inay Ciiddanka Kenya ku si ihayaan Somalia, iyadoo Kenya la daalla-dhacayso dhibaatooyin, una baahan tahay Adeegooda Gaarka.

Mar uu ka hadlayey Dagaalamayaasha Alshabaab, waxa uu sheegay haddii uu Isbahaysigiisa ku guuleysto Madaxtinimadda Kenya inay eegi doonaan qaababka Dimuqraadiga ee ay ku wajahayaan Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories