HomeWararMaraykanka oo ka digay Weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Maraykanka oo ka digay Weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis ayaa sheegay inay waajib tahay inay Maraakiibta Ganacsiga dib u adkeeyaan Difaacooda marka ay marayaan Badda Somalia, wuxuuna ka digay inay Burcad-baddeed dib ugu soo laabteen Afduubkii ay ka geysan jireen Badda Somalia. Jim Mattis ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Mariniska Maraykanka ee ku sugan Xeradda […]

- Advertisement -

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis ayaa sheegay inay waajib tahay inay Maraakiibta Ganacsiga dib u adkeeyaan Difaacooda marka ay marayaan Badda Somalia, wuxuuna ka digay inay Burcad-baddeed dib ugu soo laabteen Afduubkii ay ka geysan jireen Badda Somalia.

Jim Mattis ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Mariniska Maraykanka ee ku sugan Xeradda Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, wuxuuna tilmaamay inay Burcad-baddeeda so olaba kacleeyeen 3 sanno oo ay Deganaansho ka jirta Badda Somalia.

- Advertisement -

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Jim Mattis waxa uu ku nuuxnuuxsaday in weeraradda ay Burcad-baddeeda a8-dii isbuuc ee la soo dhaafay ku qaadeen ugu yaraan 6 Markab Ganacsi muujinayso in loo baahan yahay inay Maraakiibta Ganacsiga muujiyaan Feejignaan Sare marka ay marayaan Badda Somalia.

Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Saldhigga ay ku leeyihiin Jabuuti waxay kaalin ka qaataan sidii ay ula socon lahaayeen Dhaqdhaqaaqyadda Burcad-baddeeda ee ay ku weeraraan Maraakiibta ku socdaasha Badda Somalia.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories