HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qoyski Wiilkooda uu jiiray Gaarigiisa(Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qoyski Wiilkooda uu jiiray Gaarigiisa(Sawiro)

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula qaadatay Qoyska allha u naxariisto Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Wafaafinta, una geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay illinka hore ee madaxtoyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa u tacsiyeeyay Qoyska Marxuumka, isagoo u muujisay sida uu uga tiiraanyeesanyaha geerida Marxuumka, dowladda Soomaaliyana ay ka garaabeyso shirka uu ku dhintay Marxuum Tahliil Jimcaale.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo wuxuu sheegay in xabsiga la dhigay darawalkii Waday Gaariga, si loo baaro in shilkaasi uu si kutalagal ah u sameeyay iyo in Kam’a uu ahaa.

“Marxuumka naxariistii Janno Alle Haka Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda Soomaaliya Way ka garaabeysaa Geerida Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan”Yariisoow” Oo Kulanka Kadib Qabtay Shirjaraa’id Isagoo uu Garabtaaganyahay Cabdi Jimcaale Hubane oo la dhashay Marxuumka Geeriyooday ayaa ballanqaaday in ay diyaar u yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya, Isagoo Qoyska Guddoonsiiyay Lacag Loogu Talagalay in duco loogu Sameeyo Alle ha u naxariistee Marxuum Taliil Jimcaale Hubane.

Cabdi Jimcaale Hubane oo goobta ka hadlay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wuxuuna Arrin Ugub ku ah Soomaaliya ku tilmaamay sida Loo Ixtiraamay Qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga Garoowday Shilka uu ku geeriyooday Marxuub Tahliil Jimbaale Hubane.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories