HomeWararUganda oo soo dhaweeysay Milliteriga Maraykanka ee Somalia u yimid La-dagaalanka Alshabaab.

Uganda oo soo dhaweeysay Milliteriga Maraykanka ee Somalia u yimid La-dagaalanka Alshabaab.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), Richard Karemire ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala, wuxuuna sheegay inay Maraykanka yihiin Isbahaysiga weyn ee kaalinta ka qaata Dagaalka lagu jiro Kooxda Daacish, waa sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM wax badan ka baran doonaan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Somalia, gaar ahaan Xeeladaha Cusub ee loo adeegsanayo La-dagaalanka Alshabaab.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu sheegay in horey Amarka laga sugi jirey Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka (The Pentagon), balse haatan Taliyayaasha Milliteriga Maraykanka ee joogta Gobalka xor u yihiin inay qaadaan Hawlgallada, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Qof kasta oo u yimaada inuu dardar geliyo Dhismaha Awoodda Ciiddanka DFS iyo La-dagaalanka Alshabaab waa soo dhaweyn doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF), Richard Karemire.

- Advertisement -

Isbuucii la soo dhaafay, Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ee Afrika, Charles Chuck Prichard ayaa sheegay inay Somalia u soo direen Tobaneeyo Ciiddamo, kuwaasi oo tababar iyo qalab siinaya Ciiddanka DFS iyo Nabad-ilaaliyaasha AMISOM, kana taageeri doona Xoojinta dhinaca Loojistikada ee Dagaalka Alshabaab.

Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee jooga Somalia waxaa la filayaa in la soo gebagebeeyo dabayaaqadda bisha September ee sannadkan.

Si kastba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Ciiddan Maraykan yimaadaan Somalia, tan iyo markii Ciiddanka Maraykanak laga daad-gureeyey Somalia sannadkii 1994-kii, iyadoo 18 Askari looga dilay Hawlgal aan guuleysanin oo ay sannadkii 1993-kii la galeen Maleeshiyaddii Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Caydiid.

Xigasho: The Observer,

©Radio Dalsan

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories