HomeWarar(SAWIRO): Muwaadin Maraykan la sheegay inuu soo muslimay oo dood ka dhex...

(SAWIRO): Muwaadin Maraykan la sheegay inuu soo muslimay oo dood ka dhex dhaliyey Minneapolis.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Qaar ka mid ah Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in Dhallinyaro is-xilqantay oo dadka ku boorinayo Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka lagu dhex arkayo magaalladda Minnepolis. Muwaadin Maraykan ah oo la sheegay inuu dhawaan soo islaamay, laguna magacaabo C/llaahi Rashiid ayaa sheegay inay ku soo rogeen Xaafadda Cedar  Riverside ee magaalladda Minneapolis waxa uu ugu yeeray Qeybta Rayidka […]

- Advertisement -

Qaar ka mid ah Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in Dhallinyaro is-xilqantay oo dadka ku boorinayo Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka lagu dhex arkayo magaalladda Minnepolis.

Muwaadin Maraykan ah oo la sheegay inuu dhawaan soo islaamay, laguna magacaabo C/llaahi Rashiid ayaa sheegay inay ku soo rogeen Xaafadda Cedar  Riverside ee magaalladda Minneapolis waxa uu ugu yeeray Qeybta Rayidka ee Shareecadda Islaamka.

- Advertisement -

Tallaabadaasi waxaa aad uga carooday Dadka Deegaanka iyo Hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee deggan Gobalka Minesota.

 C/llaahi Rashiid oo 22-jir ah, kana soo jeeda Gobalka Georgia waxa uu Xaafadda Cedar Riverside u soo wareegay sannadkii hore, isagoo guursaday Haweeney Soomaali ah oo  lagu magacaabo Khadra.

C/llaahi Rashiid oo horey loo oran jirey Devon James Miller waxa uu socod ku dhex mraa Xaafadaha ay ku badan yihiin Jaalliyadda Soomaalida, isagoo dadka u sheega inaysan isticmaalin Khamri iyo Daroogada kale iyo Galmadda aan Sharciga ahayn.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu gabdhaha Muslimiinta ku waaniyaa inay Xijaabka si fiican u xirtaan, isna asturaan.waxa kale oo uu qortay Dhallinyaro kale, si ay ugu soo biiraan Dadaalkiisa.

Shabakadda Wararka ee WorldNetDaily.com  ayaa qortay inuu C/llahi Rashiid ku labisan yahay Labiska Islaamka oo midabkiisu cagaar yahay, isagoo sheegay inuu yahay Boliska Diinta.

Wareysi uu dhawaan siiyey Wargeyska the Minneapolis Star-Tribune,  waxa uu sheegay inuu hadafkiisu yahay sidii Xaafadda Ceder-Riverside looga dhigi lahaa Deegaanadda Kontoroolka Shareecadda “a sharia-controlled zone”.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Deegaanka ayaa u sheegay Wargeyska The the Minneapolis Star-Tribune inay ka shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa Kooxda C/llaahi Rashiid o oay u arkaan Khatar cusub.

Boliska Maraykanka  waxay ilaalo ku hayaan Ninkaasi, inkastoo aan weli la xirin.

Xigasho: wnd.com

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories