HomeWararEU: Khatarta Shuban-biyoodka ku sii faafayo Somalia oo laga digay.

EU: Khatarta Shuban-biyoodka ku sii faafayo Somalia oo laga digay.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Hay’addaha Gargaarka ee Midowga Europe ayaa ka digay Khatarta uu shuban-biyoodka ku hayo dadka Soomaalida. Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo  ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka u geeriyooda cuddurka Koleeraha, wuxuuna tilmaamay  inay  in ka badan 18,000  oo kiis lagu arkay Somalia snnadkan, kaasi oo 3,000 oo kiis […]

- Advertisement -

Hay’addaha Gargaarka ee Midowga Europe ayaa ka digay Khatarta uu shuban-biyoodka ku hayo dadka Soomaalida.

Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo  ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka u geeriyooda cuddurka Koleeraha, wuxuuna tilmaamay  inay  in ka badan 18,000  oo kiis lagu arkay Somalia snnadkan, kaasi oo 3,000 oo kiis dheer sannadkii hore oo la arkay  ku-dhawaad 15,000 kiis ee Cuddurka Koleeraha.

- Advertisement -

Waxa uu xusay in xaalladda cuddurkjaasi ee haatan si aan caadi ahayn loogu dhimanayo, iyadoo 45-kii Bukaan uu mid ka mid ah u geeriyoonayo Shuban-biyoodka.

Qoysaska ayaa waxaa lagu khasbaa inay cabaan biyo aan nadiifka ahayn, iyadoo ay Somalia ka jirto Abaar daran.

- Advertisement -

Kala bar Tirada guud ee Soomaalida ayaa la filayaa inay Kaalmo u baahnaan doonaan  bisha July ee soo socota.

Madaxa Hay’adda Samafalka Aadminimo  ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Somalia, John Heffinck waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in qarka loo saaran yahay Macluusha, haddii uusan roobku da’in.

Dhinaca kale, waxa u usheegay inay Hay’addaha Samafalka si joogto ah u shaqeynayaan si looga hortago Masiibadii Macluusha ee Somalia ka dhacday sannadkii 2011-kii, kuna geeriyoodeen in ka badan 260,000 oo qof.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories