HomeWararXOG: Mukhalasiin Kenya ka tahriibiya dadka ku biirayo Kooxda Daacish.

XOG: Mukhalasiin Kenya ka tahriibiya dadka ku biirayo Kooxda Daacish.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Shabakad gacan-saar la leh Ma-gefayaasha Libya iyo Shaqsiyaad la shaqeeya ayaa  la sheegay inay Kenya ka tahriibiyaan dadka doonaya inay ka mid nqodaan Maleeshiyadda Kooxda Daacish

Baarayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa shaaciyey inay jiraan xiriir u dhexeeya Dadka ka tahriiba Kenya iyo Kooxaha gacan-saarka la leh Daacish iyo Kooxda kale ee loogu yeero Ma-gefayaasha Libya ee madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha shisheeyaha ee ka gudba  dhulka Lama-degaanka Libya.

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay  Wakiilo u joogaan dalalka Kenya, Somalia, Nigeria, Algeria, Tanzania, Ethiopia, South Sudan iyo Masar, kuwaasi oo dadka u tashkiila iyo inay Ma-gefayaasha Libya dhaqaale ka abuuraan dadka ay ka qaataan Lacagaha Madax-furashadda.

Shabakadaasi ayaa la sheegay inay dadka ku biirayo Kooxda Daacish u fududeeyaan Safarka Tahriibka, waxayna Shabakadda Ma-gafe abuurteen 10-jid oo ay dadka kaga qaadaan Kenya, kuwaasi oo Diyaarad iyo dooni la saaro ilaa ay ugu sii gudbaan dalka Syria.

Khad kale oo Duullimaad ayaa jira oo dadka ku biiriya Daacishta ka dagaalanta dalka Syria ugu dhoofayaan magaalladda Lagos  ee dalka Nigeria, kadibna Tahriib lagu sii marsiinayo dalalka  Nayjar, Algeria, kadibna Libya.

Khad kale ayaa jira oo dadka ku biiriya Daacish la saaro Diyaarad ku sii jeeda Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo haddana si tahriib ah kaga gudba xuduudka dalka Syria.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Dadka Kenyanka ee doonaysa inay ku biiraan Daacish-ta ka dagaalanta Libya gawaari lagu geeyo Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, kadibna loo sii gudbiyo Caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Jubba.

Dadkaasi waxay inta ka dhiman safarkooda lug ku sii maraan Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, kadib Masar ilaa ay ugu dambeyn dooni ku galaan dalka Syria.

Baarayaasha Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kenya waxay kaloo sheegeen inuu jiro Khad kale oo dadka Diyaarad looga qaadayo Nairobi ilaa caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, kadibna waxay Tahriib lugta ku maraan Sudan, Masar, waxayna kadib dooni ka raacaan Badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan dalka Syria.

Ugu dambeyntii, Baarayaasha Ammaanka ee Kenya waxay tilmaameen inay haatan wada-shaqeyn la yeelanayaan dhigooda dalalka kale, ei wax badan looga fahmo Shabakadda Ma-gefaha ee dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka  Libiya iyo  Syria.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories