HomeWarar"Sida Muuqata Waa kala guuri rabnaa Dawladda Federaalka"Madaxweyne Cosoble

“Sida Muuqata Waa kala guuri rabnaa Dawladda Federaalka”Madaxweyne Cosoble

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Cali Cabdulaahi Cosoble  Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah ineysan hawlaha quseeya Hirshabelle kala tashan isaga kadib markii uu beeniyey in shir looga hadlayo xuduudaha mamaulkisu kaga qayb galay magalaada Muqdishu. “Shalay waxaa ka dhacay Muqdisho shir lagu xallinayey xuduudaha, waxaanu ka daawanay TVyada waxaa la yiri dowladd goboleedyada oo dhan baa loogu […]

- Advertisement -

Cali Cabdulaahi Cosoble  Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah ineysan hawlaha quseeya Hirshabelle kala tashan isaga kadib markii uu beeniyey in shir looga hadlayo xuduudaha mamaulkisu kaga qayb galay magalaada Muqdishu.

“Shalay waxaa ka dhacay Muqdisho shir lagu xallinayey xuduudaha, waxaanu ka daawanay TVyada waxaa la yiri dowladd goboleedyada oo dhan baa loogu yeeray iyadoo la yiri in Hirshabelle ayaa ka qaybgashay shirkaasi looga hadlayey xuduudaha”.

- Advertisement -

Madaxweyne Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in mamaulkisu xaqiiqdii uusan ka qayb galin kulankaas isagoo diidey hadal xusayey in mamaulkisu goob joog ahaa shirkaas.

“Waxaan u sheegayna dowladda Federaalka ee Soomaaliya anoo rajeynaya in golaheeda wasiirada cusub in la ansixiyo, waxaan u sheeegayna Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha inaan ka biyo diidsanahay qaabka ay howlwadeenada wasaarada arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ay ula mucaamalaan dowladd goboleedka Hirshabelle , iyadoo aan anagu ognahay khaladaad fara badan oo ay galeen, balse mar walbo aan la hadalno hadana ay muuqatay inay ka dhega adeygayaan balse hada soo gaartay heer laga hadlayo arrimo xasaasi ah.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeele isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Mar hadii shirkii xuduudaha looga hadlayey ee xasaasiga ahaa nalaga qariyey naloo  sheegin, balse shacabka iyo calaamkaba markhaati looga dhigay inaanu ka qaybgelnay raalina kanahay wixii howl ah ee meeshaasi ka socda ujeedka inuu yahay in loo soo socdo kheyraadka Hirshabelle leedahay.”

- Advertisement -

Hadalka Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxayeen maalmahaan dambe in mamaulkiisu furayo dekada Ceel-macaan iyo garoon diyaradeed kuwasoo kaabiga ku haya magalaada Muqdishu.

Latest stories