HomeWararEedeysanayaal Somali oo lagu xukumay dalalka Maraykanka iyo Malta.

Eedeysanayaal Somali oo lagu xukumay dalalka Maraykanka iyo Malta.

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maxkamad ku taalla Gobalka South Dakota waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Liiban Maxamed, kaasi oo lagu soo oogay inuu xoogi lahaa haweeney qalbi dhiman ahayd. Eedeysanaha oo haysta Kaarka Deganaanshaha Maraykanka ee (Green Catd) ayaa la sheegay inuu fal-dembiyeedkaasi galay bishii July 30-dii ee sannadkii hore Eedeysnaaha oo 39-jir […]

- Advertisement -

Maxkamad ku taalla Gobalka South Dakota waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Liiban Maxamed, kaasi oo lagu soo oogay inuu xoogi lahaa haweeney qalbi dhiman ahayd.

Eedeysanaha oo haysta Kaarka Deganaanshaha Maraykanka ee (Green Catd) ayaa la sheegay inuu fal-dembiyeedkaasi galay bishii July 30-dii ee sannadkii hore

- Advertisement -

Eedeysnaaha oo 39-jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi 3 sanno ah, sida uu ku dhawaaqay Garsoore Richard Summers oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Degmadda Aberdeen ewe Gobalka South Dakota.

Dhinaca kale, Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta waxay xukun ku riday Muwaadin Somali oo Qaxooti ahaan ugu noolaa Jesiiradaasi.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Mustafa Maxamuud Maxamed ayaa lagu xukumay 6 bilood, kadib, markii lagu soo oogay inuu Haweeney ka dhacay Mobayl  noociisu ahaa Samsung.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo deggan Xeradda Hal Far waxa u uqirtay dembiga lagu soo oogay.

Kormeere ka tirsan Boliska Malta oo lagu magacaabo Mathew Spagnol ayaa u sheegay Garsooraha Maxkamadda ee Garnaqsigaasi qaadayey in Eedeysane Mustafa Maxamuud Maxamed la soo xiray bishan 18-dii, abaarihii 01:00 saqda-dhexe, kadib, markii uu Mobayl ka xaday Haween ku sugnayd Degmadda  Paceville oo loo yaqaano Degmadda Nolosha Habeenimo ee Malta “The Malta’s nightlife district.

Kormeeraha waxa uu intaasi ku daray in Mobaylkii loo celiyey Haweeneydii laga soo xaday.

Dhinaca kale, Qareeen Josette Sultana oo difaacaysay Eedeysanaha ayaa sheegtay inay ka soo horjeedo xukunka lagu riday, maadaama Eedeyanaha uu soo celiyey Mobaylkii, isla marjkaana uusan waxyeelo kale geysanin.

©Radio Dalsan

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories