HomeWararMuwaadin Somali oo Qaad lagu qabtay oo lagu maxkamadaynayo Scotland, Britain.

Muwaadin Somali oo Qaad lagu qabtay oo lagu maxkamadaynayo Scotland, Britain.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mohamoud Ali ayaa lagu soo oogay Dacwad la xiriirta inuu bishii June ee sannadkii hore lagu qabtay 40-Kiilo oo Qaad ah oo uu kala soo degay Garoonka Diyaaradaha  magaalladda Galasgow ee Gobalka Scotland ee dalka Britain. Maxkamadda Paisley Sheriff Court ayaa dhegeysatay Warbixin ku aadan  inay Saraakiisha UK ee Ilaaladda […]

- Advertisement -

Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mohamoud Ali ayaa lagu soo oogay Dacwad la xiriirta inuu bishii June ee sannadkii hore lagu qabtay 40-Kiilo oo Qaad ah oo uu kala soo degay Garoonka Diyaaradaha  magaalladda Galasgow ee Gobalka Scotland ee dalka Britain.

Maxkamadda Paisley Sheriff Court ayaa dhegeysatay Warbixin ku aadan  inay Saraakiisha UK ee Ilaaladda Xuduudaha ku qabteen Ninkaasi Labo Boorso oo lagu soo cabeeyey Qaad, xilli uu doonayey inuu kala gudbo qeybta Ammaanka ee Garoonkaasi.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia, waxa uu dalka Britain tegay sannadkii 2004-tii, waxaa uu Maxkamadda ka hor qirtay qaadka lagu qabtay oo lagu qiimeeyey lacag dhan Labo Kun oo Pound (£2,000).

Mohamoud Ali oo ah Aabe 6 carruur leh waxa xukunkiisa lagu dhawaaqi doona bisha soo socota, waxaana suurto-gal ah in lagu xukumo Xabsi dhan 5 sanno ah.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories