HomeWararDHAGEYSO:- Puntland oo ka hadashay Sii deynta Markab dhawaan laga Afduubay xeebaha...

DHAGEYSO:- Puntland oo ka hadashay Sii deynta Markab dhawaan laga Afduubay xeebaha Maamulkaas

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wararka naga soo gaaraya deegaanada xeebaha Bari ee maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Xalay kooxdii afduubatay Markabka Aris 13, ay sii daayeen, kuwaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku heestay Degmada Caluula ee gobolka Bari. Wararka qaar ayaa sheegaya in wada hadal Siddex geesood dhexmaray kooxda, Odayaasha dhaqanka iyo Puntland lagu sii […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya deegaanada xeebaha Bari ee maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Xalay kooxdii afduubatay Markabka Aris 13, ay sii daayeen, kuwaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku heestay Degmada Caluula ee gobolka Bari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wada hadal Siddex geesood dhexmaray kooxda, Odayaasha dhaqanka iyo Puntland lagu sii daayey Markabkaas oo ku gooshay Calanka dalka Sri Lanka, hasa’ahatee warkaasi waxaa ka horyimid agaasimaha ciidamada ilaalada xeebaha Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Xassan oo sheegay inay ku dhaawaadeen ciidamada Badda Puntland, sidaasina Kooxda ay ku sii deysay Markabkaasi shidaal oo Isniintii aano soo dhaafnay laga afduubay xeebaha maamulka Puntland.

- Advertisement -

Agaasimaha ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Markabka, iyo shaqaalihii saarnaa oo bad-qaba , oo uu xusay  in la keeni doono magaalada Boosaaso ee gobolka, si ay ugu nastaan halkaasi.

Cabdiraxmaan Xaaji Xassan agaasimaha ciidamada ilaalada xeebaha Puntland waxaa uu tilmaamay in wax madax fursha aan la siin Afduubayaasha markabkaasi, oo ay soo bad-baadiyeen ciidamda Badda Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories