HomeWararUK: Madaxda Uganda, Kenya iyo Ethiopia oo lagu casuumay Shirweynaha London.

UK: Madaxda Uganda, Kenya iyo Ethiopia oo lagu casuumay Shirweynaha London.

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London. Shirweynahaasi waxa uu daba joogaa Shirweynihii Caalamiga ee  sannadkii 2013-kii lagu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo horey u qaadacay Xafladdii Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ayaa oggolaaday inuu ka qeyb galo Shirka Caalamiga ee looga hadlayo Taageeradda Samafalka iyo Ammaanka ee Somalia, kaasi oo bisha May 11-da ka furmi doona Caasimadda dalka Britain ee London.

Shirweynahaasi waxa uu daba joogaa Shirweynihii Caalamiga ee  sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, oo looga hadlay Taageeradda Somalia.

- Advertisement -

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson oo xalay 07:30 Fiidnimo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, waxa uu la kulmay Madaxweyne Museveni, oo uu u gudbiyey Casuumaadaasi.

Madaxweyne Museveni iyo Xoghaye Johnsom oo si wadajir Shir Jaraa’id ugu qabtay Aqalka Dowladda ee magaalladda Entebbe waxa uu Johnson sheegay inuu Museveni ka oggolaaday inuu ka soo qeyb galo Shirweynaha London.

Waxa uu ku ammaanay Dadaalka ay Dowladda Ugnda ugu jirto Nabadda Somalia, isagoo xusay inay Ciiddanka Uganda ee UPDF kaalin muhiim ah kaga jiraan Hawlaha Nabadda Somalia.

- Advertisement -

6,000 oo Askar Ugandese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ah Ciiddanka ugu badan ee hal dal ka socda ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inay ka wada hadleen Boris Johnson saamaynta uu Tallaabadii ay Britian kaga baxday EU-da ku yeeshay Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay EU-da jareen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson waxaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago dalalka Ethiopia iyo Kenya, oo uu kala hadli doono Ammaanka Gobalka iyo Shirweynaha Arrimaha Somalia ee bisha May 11-da ka dhici doona London iyo Shirka Dowladaha ku bahoobay Ururka Barwaaq-sooranka (Commonwealth) oo la qaban doona bisha soo socota ee April.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories