HomeWararRaashiya oo Saldhig Milliteri ka samaysatay dalka Masar.

Raashiya oo Saldhig Milliteri ka samaysatay dalka Masar.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciiddamo Khaas oo Raashiyaan ah ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay loo daad-gureeyey Saldhig ay Ciiddanka Cirka Masar ku leeyihiin  Deegaanka Siidi Baraani oo 100-KM u jira xuduudka ay wadaagaan Masar iyo Libya. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inay Dowladda Maraykanka walaac ka muujisay Tallaabadaasi oo wax u dhimi karta Doorka Maraykanka ee Hawlgalladda ay […]

- Advertisement -

Ciiddamo Khaas oo Raashiyaan ah ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay loo daad-gureeyey Saldhig ay Ciiddanka Cirka Masar ku leeyihiin  Deegaanka Siidi Baraani oo 100-KM u jira xuduudka ay wadaagaan Masar iyo Libya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inay Dowladda Maraykanka walaac ka muujisay Tallaabadaasi oo wax u dhimi karta Doorka Maraykanka ee Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha dalka Libya.

- Advertisement -

Saraakiil Maraykan iyo kuwo Diplomaasiyiin ayaa sheegay in Ciiddanka Raashiya ee saldhigtay Galbeedka Masar qeyb ka tahay Taageeradda ay u hayaan Taliyaha Milliteriga Libya, Khaliifa Xaftar oo dhabar-jab kala kulmay weerar ay Maleeshiyadda Difaaca Banqaasi bishan 3-dii ku qaadeen Dekedaha laga dhoofiyo Shidaalka ee ay Ciiddanka Jeneral Xaftar maamuli jireen.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan Saldhiga ay Ciiddanka Raashiya ka samaysteen dalka Masar, waana Saldhigii 2-aad ee ay Milliteriga Raashiya ku yeeshaan dalka Masar.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories