HomeWararHolland: Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga oo la masaafuriyey.

Holland: Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga oo la masaafuriyey.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa ka sii darayso, kadib, markii ay Dowladda Holland xirtay, kadibna soo masaafurisay Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya. Warbaahinta dalka Holland ayaa lagu sheegay in Wasiirada dib loogu celiyey Jarmalka, oo ay ka sii raacday Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Istanbul. Wasiirka Arrimaha Qoyska […]

- Advertisement -

Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Turkiga iyo Holland ayaa ka sii darayso, kadib, markii ay Dowladda Holland xirtay, kadibna soo masaafurisay Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya.

Warbaahinta dalka Holland ayaa lagu sheegay in Wasiirada dib loogu celiyey Jarmalka, oo ay ka sii raacday Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Istanbul.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya oo Suxufiyiinta kula hadashay Garoonka Ataturk Airport ee Istanbul ayaa sheegtay inay dowladda Holland qaab xun kula dhaqmeen, waxayna xustay inay arrintaasi tahay wax aad u fool xun.

“Ka Wasiir ahaan haysta Baasaboor Diplomaasi, ma aha inaan fasax u helo inaan Muwaadiniintayda ku wada kulanto Qunsuliyadeenna, oo loo aqoonsan yahay Xuduudka Turkiga” ayey tiri Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya.

Wasiirada waxaa laga hor joogsaday inay gasho Qunsulliyadda Turkiga ee magaalladda Rotterdam si ay khudbad uga jeediso Isku-soo-bax lagu taageerayey qorshaha Madaxweynaha Turkiga ee Codka bisha dambe loo qaadayo Isbedel lagu sameeyo Dastuurka Turkiga.

- Advertisement -

Boqolaal Turkish oo lulayo Calanka dalkooda ayey isku dhaceen Boliska Holland, markii ay Wasiirada u diideen inay ay soo gasho Qunsulliyadda.

Boliska waxay xireen12-qof o ola sheegay inay Boliska ku tuureen dhagxaan iyo dhalooyin.

Dowladda Holland waxay digniin ku bixisay inaan Wasiirka Arrimaha Qoyska ee Turkiga, Fatma Betul Sayan Kaya loo oggolaan doonin inay gasho Qunsulliyadda turkiga ku leeyihiin magaalladda Rotterdam.

Shalay ayey ahayd, markii ay Dowladda Holland u diiday fasaxa ay Diyaaradii u ula socday Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkishka, Mevlut  Cavusoglu ku soo degto magaalladda Rotterdam, si uu ula hadlo Qurbo-joogta.

RW dalka Holland,Mark Rutte  ayaa maanta sheegay inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga ku hanjabay inuu Cunaqabatayn Dhaqaale iyo mid Diplomaasiyadeed ku soo rogi doono Holland.

Xiisadda ayaa haatan aad u kacsan, man muuqato ifafaalo ay Labada Dowladood ku qaboojin karaan Xiisadaasi.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories