HomeWararDonald Trump oo casuumaad u fidiyey Hoggaamiyaha Reer Falastiin.

Donald Trump oo casuumaad u fidiyey Hoggaamiyaha Reer Falastiin.

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim. Afhayeenka Maamulka Falastiin, Nabiil Abu Rudeynah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  inuu Madaxweyne Cabaas sida ugu dhaqsaha badan u booqan ddoono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka. Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay isla […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim.

Afhayeenka Maamulka Falastiin, Nabiil Abu Rudeynah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  inuu Madaxweyne Cabaas sida ugu dhaqsaha badan u booqan ddoono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

- Advertisement -

Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay isla eegaan qaabka loo soo noolewyn karo Wada-xaajoodka Falastiin iyo Yuhuudda.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inuu Donald Trump ku casuumay Maxamuud Cabaas Kulan waqtiga ugu dhow ku yeelan doonaan Washington.

Madaxweyne Trump waxa uu bishii hore la kulmay Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu, wuxuuna tilmaamay inuusan xal u arkin Labo Dowladood oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Yuhuudda iyo inuu Safaaradda Maraykanka u wareejin doono magaalladda Quddusta La-haysto.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories