HomeWararUrurka Islaamka oo ku baaqay in loo gurmado Soomaalida macluulsan.

Ururka Islaamka oo ku baaqay in loo gurmado Soomaalida macluulsan.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Hadal-qoraal oo ay Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Caalamka ka soo saareen magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia iyo dalalka kale ee Geeska Afrika. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay in ka badan 17 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, Djibouti, Eretria, […]

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ay Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Caalamka ka soo saareen magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga waxay walaac xooggan ka muujisay Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia iyo dalalka kale ee Geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay in ka badan 17 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, Djibouti, Eretria, Ethiopia, Kenya, South Sudan, Sudan and Uganda. saamaysay Macluusha iyo Abaaraha ay sababeen Roobabkii oo yaraaday.

- Advertisement -

Qoraalka waxaa lagu xusay in Xafiis-gobaledka OIC ee Somalia ee u qaabilsan  Xiriirinta Hawlaha Samafalka iyo Horumarinta ku qiyaasat  in ku-dhawaad 50,000 oo qof ka soo barakaceen Tuullooyinka ay Abaaruhu saamayeen, kuwaasi oo haatan ku sugan magaalladda Muqdisho, Afgooye, Baydhabo, Kismaayo, Doolow, Luuq, Beled-weyne, Cadaado, Cabud-waaq, Jariiban iyo Dhuusamareeb.

Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Caalamka ee OIC waxay ka digeen gaabiska Hawlaha Samafalka oo ay sheegtay in loo baahan yahay in Tallaabo degdeg ah la qaado, loona gurmado dadka ku tabaalaysan Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ururka OIC waxay ka codsadeen Beesha Caalamka, Dowladaha xubnaha ka ah OIC inay kordhiyaan dadaalka lagu taageerayo dadka dhibaatada kala kulmay Abaaraha iyo Macluusha.

Qoraalka ka soo baxay Xoghaynta Ururka Iskaashiga Caalamka waxaa kaloo lagu xusay  in Xafiiska OIC ee Somalia diyaar u yahay  inay Beesha Caalamka iyo dalalka saaxiibadda kala shaqeeyaan Hawlaha Samafalka si looga hortago inysan Somalia ka dillaacin Abaartii dhacday sannadkii 2011-kii, kuna geeriyoodeen 260,000 oo qof.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories