HomeWararMatabaan: Nolosha dadka ku sugan Deegaano hoos-taga Matabaaan oo laga deyrinayo

Matabaan: Nolosha dadka ku sugan Deegaano hoos-taga Matabaaan oo laga deyrinayo

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Matabaan ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka jito xaalad adag oo la xariirta dhinaca Nolosha. Degaano hoos-taga degmada Matabaan ayaa laga soo sheegayaa xaalado daran oo ay sababtay Abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka. Deegaanada Geel-Kudhal, laanta saban, Qabno, Beer-Gadii, Jiracle Ayaa ah deegaanada […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Matabaan ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka jito xaalad adag oo la xariirta dhinaca Nolosha.

Degaano hoos-taga degmada Matabaan ayaa laga soo sheegayaa xaalado daran oo ay sababtay Abaarta ka jirta qeybo kamid ah dalka.

- Advertisement -

Deegaanada Geel-Kudhal, laanta saban, Qabno, Beer-Gadii, Jiracle Ayaa ah deegaanada ugu daran ee laga soo sheegayo dhibaatooyinka,waxaana dadkaasi oo ahaa Xoolo dhaqato ka dhamaaday xoolihii,mana heystaan wax ay Cunaan ama ay Cabaan abaarta darteedna gobolka Hiraan waxaa ugu udhintay Dad badan oo gaajo iyo haraad ugu geeriyooday Gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Matabaan Ducaale Aadan Cabdi oo booqday deegaanada ugu daran ee ka jirto Abaarta ayaa ku baaqay in loo soo gurmado dadkaasi,si loo badbaadiyo Nolosha dad badan oo halis ugu jira Abaarta.

Baaq-yada la dirayo ee wax ka qabashada abaarta ayaa ah halkoodii, iyadoo dhibaatada ay ka sii dareyso dadkuna ay gaajo udhimanayaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories