HomeWarar(XOG): Shirkad u qaabilsan Qabuuro-qodista iyo Mayd-duugista oo laga furay Muqdisho.

(XOG): Shirkad u qaabilsan Qabuuro-qodista iyo Mayd-duugista oo laga furay Muqdisho.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Shirkaddii ugu horreysay ee u qaabilsan qodista Qabuuraha iyo Aasida maydadka ayaa laga furay magaalladda Muqdisho, waxayna Shirkadaasi maamushaa Qabuuraha Barakaat ee Degmadda Yaaqshiid. Mid ka mid ah Qabri-qodayaasha oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Shirkaddan fududeynayso dhamaan Adeegyadda maydadka lagu aasayo Qabuuraha Barakaat, isla markaana ay jiraan Xafiisyo laga furay Qabuuraha Barakaat. […]

- Advertisement -

Shirkaddii ugu horreysay ee u qaabilsan qodista Qabuuraha iyo Aasida maydadka ayaa laga furay magaalladda Muqdisho, waxayna Shirkadaasi maamushaa Qabuuraha Barakaat ee Degmadda Yaaqshiid.

Mid ka mid ah Qabri-qodayaasha oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay Shirkaddan fududeynayso dhamaan Adeegyadda maydadka lagu aasayo Qabuuraha Barakaat, isla markaana ay jiraan Xafiisyo laga furay Qabuuraha Barakaat.

- Advertisement -

Mid ka mid ah Xafiisyadaasi ayuu sheegay inuu u qaabilsan yahay Diiwaan-gelinta sababaha ay u geeriyoodeen maydadka, ka hor inta aan la aasin, halka Xafiiska Labaad lagu bixinayo Kharaj dhan 100-Dollar si loo aaso maydka la diiwaan-geliyey.

Qabuur-qodaha waxa uu sheegay inay Shirkadda fududeynayso dhinacyada qodista godadka maydka, Xararka, Fuustadda iyo Biyaha loo isticmaalayo Aaska.

Waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan Baalayaal loogu talagalay  qodista godadka iyo ciidda lagu rogayo marka maydka la dhigo iilka qabriga.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey inay Shirkadda maydadka ka soo qaadayo Xaafadaha ay ku geeriyoodeen waxa uu sheegay inuusan haatan qorshaha Wejiga Koowaad ku jirin, balse la rajeynayo in Mustaqbalka soo socda la hawl-geliyo Ambalaasyo iyo Gaadiid loogu talagalay in lagu soo qaado dadka ehelka ah maydadka la aasayo.

Dadka Muqdisho ayaa la amakaagsan Hindisaha Mashruucan lagu asaasay Shirkad u qaabilsan Hawlihii Aaska Maydadka, iyadoo la og yahay inay Hawshan tahay mid ay xilligii Dowladda Kacaanka qaban jirtey Waaxda Maydadka ee Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsiga Hawlaha Qabuuraha ayaa u muuqda inay maal-gashadeen Ganacsato ama Shirkad dareentay in Dakhli laga samayn karo asidda maydadka, waxaana laga yaabaa inay fursad u arkeen dilalka joogtada ee ka dhaca gudaha iyo duleedka Muqdisho.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories