HomeWarar- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ganacsatada Suuqa-bakaaraha

[Dhageysi]- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ganacsatada Suuqa-bakaaraha

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Yuusuf Xuseen Jimcaale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta tagay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, oo uu dhawaan kakacay dab xoogan oo baa’biyey in kamid ah hantida Suuqaasi. Gudoomiyaha Gobolka ayaa la kulamay qaar kamid ah ganacsatada suuqa-baakaaraha, oo uu kala hadlay wadooyinka Suuqa iyo sidii loo furi lahaa, si hadii dab […]

- Advertisement -

Yuusuf Xuseen Jimcaale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta tagay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, oo uu dhawaan kakacay dab xoogan oo baa’biyey in kamid ah hantida Suuqaasi.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa la kulamay qaar kamid ah ganacsatada suuqa-baakaaraha, oo uu kala hadlay wadooyinka Suuqa iyo sidii loo furi lahaa, si hadii dab uu koco loo helo wadooyin loo maro, xilli wadooyinka suuqaasi ay yihiin kuwo mashquul badan.

- Advertisement -

Gudoomiye Jimcaale ayaa si gaar ah ula hadlay Shirakadaha korontada ee suuqaasi oo uu maray inay Korontada ay galinyaan suuqa ay marsiiyaan dhulka hoostiisa, si loo yareeyo dhibaatooyinka la xariira dabka oo dhoor-jeer siyaabooyin kala duwan uga kacay Bakaare.

Booqashada suuqa Bakaaraha ee gudoomiye Jimcaale ayaa imaaneysa, xilli suuqaas uu dab kakcay Bishii hore,kaasi oo geystay waxayeelo badan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories