HomeWararMacalimiin Kenyan laga soo qafaashay Xerada Xagar-dheer oo loo soo gudbiyey Xuduudka...

Macalimiin Kenyan laga soo qafaashay Xerada Xagar-dheer oo loo soo gudbiyey Xuduudka Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wargeyska The Star ayaa qoray in Kooxxo hubeysan saqdii dhexe ee xalay 2 Macallim ka qafaasheen Dugsiga Al-huda oo ku yaalla Xeradda Xagar-dheer ee Gobalka W/bari Kenya. Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Wargeyska in rag aad u hubeysan xoog ku galeen Dugsiga Al-huda abaarihii kowdii iyo barkii ee sadqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay […]

- Advertisement -

Wargeyska The Star ayaa qoray in Kooxxo hubeysan saqdii dhexe ee xalay 2 Macallim ka qafaasheen Dugsiga Al-huda oo ku yaalla Xeradda Xagar-dheer ee Gobalka W/bari Kenya.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Wargeyska in rag aad u hubeysan xoog ku galeen Dugsiga Al-huda abaarihii kowdii iyo barkii ee sadqdii dhexe ee xalay, isla markaana ay fureen rasaas aan loo kala aaba yeelin, waa sida ay hadalka u ddhigeen.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid ka mid ah Macallimiinta uu baxsaday, balse, dhowr Macallin ayaa la qafaashay.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Salaax ayaa Warbaaahinta u sheegay  inay Saraakiisha si degdeg uga jawaabeen, isla markaana ay soo badbaadiyeen 4 Macallim.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay xiriir la sameeyeen Ciiddanka Qaranka Somalia ee joogta Xuduudka, kana codsadeen taageero sidii loo soo badbaadin lahaa Macallimiinta la qafaashay.

Saraakiisha Boliska Kenya ayaa la sheegay in ayu xireen Baraha Xuduudka ee laga gudbo, gaar ahaan Deegaanadda Amuma, Abdi Sugow, Alinjugur, Kulan iyo Liboya.

Xeradda Xagar-dheer waxay ka mid tahay 5-ta Xero ee ay ka kooban tahay Xeradda Dhadhaab.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa la sheegay inay joojiyeen ddhamaan Hawlihii ay ka wadeen Xerooyinkaasi, marka laga reebo Dhaqdhaqaaqyadda Nolol-badbaadinta sida Cunto qeybinta.

Bishii October ee sannadkii 2015-kii, Ciiddanka Kenya waxay badbaadiyeen Macallin magaciisa lagu sheegay Windie Trust International, kaasi oo laga afduubtay Deegaanka Shaba-difu oo 15-KM ee gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories