HomeWararDowladda Australia oo 20-million oo Dollar ugu deeqday Somalia iyo South Sudan.

Dowladda Australia oo 20-million oo Dollar ugu deeqday Somalia iyo South Sudan.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

  War Saxaafadeed ay soo saartay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda u ah dalka Australia, Julie Bishop ayey ku sheegtay inay 20-million oo Dollar ugu tala-galeen sidii wax loogu qaban in ka badan 13 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia iyo South Sudan, kuwaasi oo la dhibaataysan cunto-yari ka dhalatay Colaadaha iyo Abaraha. Dhawaaqa […]

- Advertisement -

 

War Saxaafadeed ay soo saartay Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda u ah dalka Australia, Julie Bishop ayey ku sheegtay inay 20-million oo Dollar ugu tala-galeen sidii wax loogu qaban in ka badan 13 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia iyo South Sudan, kuwaasi oo la dhibaataysan cunto-yari ka dhalatay Colaadaha iyo Abaraha.

- Advertisement -

Dhawaaqa Yaboohaasi oo lagu shaaciyey Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Australia aya lagu sheegay in Kaalmadaasi loo adeegsan doono Cuntadda Degdegga , Nafaqeynta, Adeega Caafimaadka, Biyaha,, Taageeradda Beeraha iyo Hab-nololeedka Bulshooyinka nugul, gaar ahaan Carruurta iyo Haweenka.

Kharajka Kaalmadda ee ay Dowladda Australia bixisay waxaa looga dhinac shaqeyn doonaa Saaxiibadda kale  oo ay ka mid yihiinBarnaamijka Cuntdda QM ee WFP, Hay’dda Cuntadda iyo Beeraha Adduunka ee FAO iyo Hay’addo aan Dowli ahayn ee  (NGO)-yada lagu kalsoon yahay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Australia, Julie Bishop waxay sheegtay inay sii wadi doonaan sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen wax-k-qabashadda  Dhibatooyinka Aadminimo ee ka jira Caalamka.

Tan iyo sanndkii 2014-kii, Dowaldda Australia  waxay Hawlaha Gargaarka Aadmino ee dalalka Somalia iyo South Sudan ku bixisay lacag dhan 120-million oo Dollar.

QM waxay sheegtay in ka badan 6 million oo Soomaali ah u baahan yihiin Gargaar Aadminimo, kuwaasi oo khatar ugu jira Macluul la mid ah tii ka dhacday Somalia sannadkii 2011-kii.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories