HomeWararTiradda carruurta la sheego inay u dagaalamaan DFS, Alshabaab iyo Maamul-gobaleedyadda oo...

Tiradda carruurta la sheego inay u dagaalamaan DFS, Alshabaab iyo Maamul-gobaleedyadda oo la shaaciyey

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

10-sanno ka hor, Hoggaamiyayaasha Caalamka waxay isku raaceen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa in Carruurta loo qorto si ay u noqdaan Askar dagaalanta.

Ilaa 300,000 oo Carruur ayaa la rumeysan yahay in ay Askar ahaan kaga shaqeeyaan dalalka ay Colaadaha ka jiraan ee Caalamka, iyadoo la sheegay inay carruur isugu jira wiilal iyo gabdho da’dooda tahay 7-jirro ku adeegsadaan Ciiddamadda Dowladaha iyo Kooxaha Mucaaradka Hubeysan.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Hoggaamiyayaasha Caalamka waxay isugu tageen Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris si ay ugu dabaal-degaan Munaasabadda 10-sanno guuradii ka soo wareegfay “Heshiiskii Ballanqaadkii Paris “The Paris Commitments” ee lagu soo af-jaray in Carruurta loo adeegsado Colaadaha.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa lagu muujiyey in 10-dal weli carruurta loo qorto inay dagaalamaan, waxayna dalalkaasi kala yihiin: Somalia,  South Sudan, Kongada Dimuqraadiga, Afrikada Dhexe, Nigeria, Syria, Iraq, yemen Afganistan iyo Myanmar oo horey loo oran jirey Burma.

Warbixinta waxaa si gaar ah loogu soo qaatay Askaraynta Carruurta ee Somalia, iyadoo QM sheegtay bishi iApril ee sannadkii hore in 903 carruur ah loo qortay Askar ahaan.

Qoraalka waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Dowladda askareeyeen 218-carruur, iyadoo Xarakadda Alshabaab la sheegay inay 555 carruur ah u qorteen dagaalka, waa sida lagu xusay Warbixinta oo shalay lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Reliefweb.international oo ay Hay’adda OCHA maalgeliso.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Maleeshiyaadka Beelaha qorteen 68 Carruurah.

Ciiddanka Maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay 17 carruur u qorteen Askar, halka Maamulka Ahlu-sunna Wal-jameeca  qorteen 40-carruur oo u dagaalama.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories