HomeWararKhabiir ka digay inay Masar la mid noqon doonto Somalia oo kale..

Khabiir ka digay inay Masar la mid noqon doonto Somalia oo kale..

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dr. Al-bahi Cisaawi oo ah Khabiir u dhashay Masar, kuna takhasusay Cilmiga Dhulka ee Jiyoolajiga iyo Arrimaha Biyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Seminaar ay Guddiga Bii’adda ee Ururka Ganacsatadda Masaarida ku yeesheen magaalladda Qaahira, kaasi oo looga wada hadlayey “Suurto-galnimadda in la kordhiyo Saamiga Biyaha ee Masar”. Dr. Al-bahi Cisaawi oo horey u ahaa La-taliyihii […]

- Advertisement -

Dr. Al-bahi Cisaawi oo ah Khabiir u dhashay Masar, kuna takhasusay Cilmiga Dhulka ee Jiyoolajiga iyo Arrimaha Biyaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Seminaar ay Guddiga Bii’adda ee Ururka Ganacsatadda Masaarida ku yeesheen magaalladda Qaahira, kaasi oo looga wada hadlayey “Suurto-galnimadda in la kordhiyo Saamiga Biyaha ee Masar”.

Dr. Al-bahi Cisaawi oo horey u ahaa La-taliyihii Madaxweynihii hore ee dhinaca Jiyoolajiyadda (A geological adviser) ayaa ka digay haddii ay yaraadaan saamiga Biyaha ee Masar iyo waxyeelladdasoo gaarta  dhamaan Qalabka Dhaqaalaha inay taasi Masar u horseedi doonto Khatar ballaaran.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray haddii aan si degdeg ah loo qaadin Tallaabo looga hortegayo Masiibadaasi inay 10-sanno kadib, Masar la mid noqon doonto dhibaatada ku habsatay Somalia oo kale.

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay Masar ka jiraan biyo la’aan saamayn ku yeelatay Wershadaha, Beeraha, Mashaaricda Horumarinta iyo Biyaha ay dadku cabaan.

- Advertisement -

Masar waxay haatan Biyaha Webiga Niil ka helaan 600 cubic meters, waxaana loo baahan yahay inay Heshiis Siyaasadeed gaaraan dalalka wadaaga Biyaha Webiga Niil ilaa Webiga Kongo.

Isbuucii hore, Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-sisi  waxa uu booqasho ku tagay dalka Kenya, isagoo dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyatta kala hadlay sidii Heshiis looga gaari lahaa biyo-qeybsiga Webiga Nile.

©Radio Dalsan

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories