HomeWararDad la dilay iyo guryo lagu gubay Tuulladda Koogaar ee duleedka Degmadda...

Dad la dilay iyo guryo lagu gubay Tuulladda Koogaar ee duleedka Degmadda Cadale.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Cadale ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan inay dagaalo ka soo cusboonaadeen dhowr Tuullo oo hoos taga Degmadaasi. Maleeshiyadda labo beel oo  wada deggan Cadale ayaa la sheegay inay dirirtu u dhexeyso, waxaana socda dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo dirirtaasi oo socotay dhowr maalmood. Goobjoogayaal ku sugan Tuulladda Koogaar […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Cadale ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan inay dagaalo ka soo cusboonaadeen dhowr Tuullo oo hoos taga Degmadaasi.

Maleeshiyadda labo beel oo  wada deggan Cadale ayaa la sheegay inay dirirtu u dhexeyso, waxaana socda dadaal lagu doonayo in lagu joojiyo dirirtaasi oo socotay dhowr maalmood.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ku sugan Tuulladda Koogaar ee duleedka Cadale ayaa sheegay inay 10 qof ku geeriyootay iska horimaad ilaa xalay ka socday Tuulladaasi.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Maleeshiyadda soo weerartay Tuulladaasi ay dab qabadsiiyeen inta badan guryihii ku yiillay Tuulladaasi, marka laga reebo Masjidka Tuulladda oo uusan dagaalku saamaynin.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Taliyaha Taliska Ciiddanka DFS ee Dhulka Deexda, Kolonel Qoondhe ayaa u sheegay Radio Dalsan inay socdaan dadaal ay ku joojinayaan dagaalladda ka socda Tuullooyinka ka tirsan Degmadda Cadale.

Waxa uu tilmaamay inay Ciiddamo xooggan oo wata 16 Tekniko u dhaqaaqi doonaan Tuullooyinka, si loo joojiyo Dirirta u dhexeysa Dadka Walaalaha.

Taliyaha Taliska Ciiddanka DFS ee Dhulka Deexda, Kolonel Qoondhe waxa uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Reer Cadale inay ka wada shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa Colaadda,  iyo sidii la isugu imaan lahaa  Madal Nabadeed oo lagu xalinayo Colaadaasi.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories