HomeWararDEGDEG: Agaasimihii Madaxtooyadda Maamulka Puntland oo is-casilay

DEGDEG: Agaasimihii Madaxtooyadda Maamulka Puntland oo is-casilay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Hadal Filan-waa’ ah ku noqday Madaxda Puntland  ayuu galabta ku dhawaaqay Agaasimihii Madaxtooyadda Dowlad-gobleedka Puntland, Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf “Deeq”, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January 14-dii ee sannadkii 2012-kii. Wararka naga soo gaarayo Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay inaan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu isku casilay, inkastoo ay wararka […]

- Advertisement -

Hadal Filan-waa’ ah ku noqday Madaxda Puntland  ayuu galabta ku dhawaaqay Agaasimihii Madaxtooyadda Dowlad-gobleedka Puntland, Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf “Deeq”, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii January 14-dii ee sannadkii 2012-kii.

Wararka naga soo gaarayo Caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay inaan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu isku casilay, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Madaxweyne Gaas is-qoonsadeen.

- Advertisement -

Agaasimaha is-casilay ayaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta sida aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland.

Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf “Deeq”, waxa uu yahay  Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

- Advertisement -

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

©Radio Dalsan

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories