HomeWararGudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Akadeemiyad Gobaleedka Afka-Soomaaliga oo ka...

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Akadeemiyad Gobaleedka Afka-Soomaaliga oo ka wada hadlay Daryeelka Afka Hooyo.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/laahi iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan gaar ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa  ilaalinta, daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga. Munaasabadii kulankaasi ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/laahi iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan gaar ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa  ilaalinta, daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga.
Munaasabadii kulankaasi ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha  Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu caddeeyay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka afkeena hooyo, isagoo balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii uu gacan uga gaysan lahaa horumarinta afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga (Aga), waxaana uu carabka ku dhuftay in hadafka Akadeemiyadu uu yahay sidii afka Soomaaliga halista looga badbaadin lahaa, adeegsigiisana loo sixi lahaa, iyadoo laga dhiganayo nabad side  walaaleeye Soomaalida.

- Advertisement -

Munaasabadii kulankaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Md, Abshir  Buqaari iyo masuliyiin kale.

Kulankaasi taariiqiga ah  ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii 21-kii bishan si rasmi ah loogu dabaal degay maalinta caalamiga  ah ee afka hooyo, sannad walba ayaa maalintaasi oo kale waxaa caalamka iyo Soomaaliyaba laga oogaa xusas looga hadlayo daryeelka af kasta oo dunida looga hadlo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories