HomeWararXogta: Dadaalka Diplomaasiyadeed ee Uhuru iyo Hailemariama ee Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Xogta: Dadaalka Diplomaasiyadeed ee Uhuru iyo Hailemariama ee Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wakiilo ka kala socday in ka badan 120-Waddan ayaa maanta ka so oqeyb galay Munaasabadii lagu caleema-saarayey Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wafuudda Caalamka waxaa ka dhex muuqday Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, kuwaasi oo imaanshahooda miisaan u yeeshay Munaasbadda Caleema-saarka. Ilo Dipomaasi ayaa sheegay in dadaal Diplomaasi loo galay sidii […]

- Advertisement -

Wakiilo ka kala socday in ka badan 120-Waddan ayaa maanta ka so oqeyb galay Munaasabadii lagu caleema-saarayey Madaxweynaha cusub ee JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wafuudda Caalamka waxaa ka dhex muuqday Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, kuwaasi oo imaanshahooda miisaan u yeeshay Munaasbadda Caleema-saarka.

- Advertisement -

Ilo Dipomaasi ayaa sheegay in dadaal Diplomaasi loo galay sidii Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia loogu soo dumi lahaa inay ka soo qeyb galaan Munaasabaddaasi, waxaana xalay lagu guuleystay inay oggolaadaan inay wada yimaadaan Muqdisho.

Dowladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Afrika ayaa la sheegay inay Uhuru Kenyatta iyo Hailemarian Desalegn ku cadaadiyeen inay ka qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.

Culayska noocaasi ayaana laga dheehan karay muddada kooban ee ay Madasha Caleema-saarka joogeen, waxaa loo dedejiyey Khudbadihii Taageeradda ee ay ugu tala-galeen Caleema-saarka, waxayna dhoofeen intii ay Munaasabadaasi socotay.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Uhuru Kenyatta iyo Hailemariama ku kalsamayn imaanshahooda, balse ay adeegsadeen Xeelladda cayn-caynka ee Diplomaasiyadda.

Waxayna xaalladuhu kala caddaan doonaan  marka ay Dowladda Madaxweyne Farmaajo la hawl-geliyo, isla markaana ay Dowladahaasi ka fal-celiyaan xaalladaha la filan karo.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories