HomeWararXaflada Caleema Saarka madaxweynaha oo goordhow ka bilaabanaysa xarunta Afisiyooni.

Xaflada Caleema Saarka madaxweynaha oo goordhow ka bilaabanaysa xarunta Afisiyooni.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in lagu caleema saaro magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta ciiddamada cirka ee Afisiyooni taasi oo ay kasoo qeybgalyaan madax iyo wufuud kale. Waxaa lagu wadaa inay sitoos ah uga bilaabato barqada maanta xarunta Afisiyooni waxaana gudoomiyaha guddiga qabanqaabada xaflada caleema saarka maadaxweynaha Cabdiraxmaan Ceynte […]

- Advertisement -

Madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in lagu caleema saaro magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta ciiddamada cirka ee Afisiyooni taasi oo ay kasoo qeybgalyaan madax iyo wufuud kale.

Waxaa lagu wadaa inay sitoos ah uga bilaabato barqada maanta xarunta Afisiyooni waxaana gudoomiyaha guddiga qabanqaabada xaflada caleema saarka maadaxweynaha Cabdiraxmaan Ceynte uu sheegay inay toos ubilaaban doonto marka ay soo dhameestirmaan madaxda iyo wufuuda ka qeyb galeysa munaasabada oo lafilayo goordhow inay soo gaaraan Muqdisho.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Ceynte waxaa uu tilmaamay inay noqon doonto xaflada mid kooban islamarkaana Seddex saacadood ugu badnaan ay socon doonto.

Waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan madaxweynayaal ka imaanaya dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya iyo wufuud caalami ah iyadoo amaanka aad loo adkeeyey islamarkaana loo xiray caleema saarka dartii wadooyinka muqdisho iyo garoonka diyaaradaha oo maanta hakad lagaliyey dulimaadyadii kasoo dagi jiray garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho si loo hubiyo amaanka inta ay socoto xafalada caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

 

- Advertisement -

 

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories